Maraykanka oo Faahfaahin hordhac ah ka bixin doona dilkii Jamaal Khashoggi

Agaasimaha Hay’adda CIA-da, Gina Haspel waxay manta Kulan ay Albaabadu u xiran yihiin la yeelan doonta Hoggaamiyayaasha dhowr Guddi oo ka tirsan Aqalka Senedka ee Maraykankaa, si ay faahfaahin uga siiso Kiiska dilkii Saxafigii Sacuudiyaanka ee Khashoggi

Wargeyska The Wall Street Journalayaa qoray inay Gina Haspel la kulmi doonto Hoggaamiyayaasha Xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ugu qaabilsan Guddiyada Xiriirka Dibedda iyo Adeegga Milliteriga ee Senedka Maraykanka.

Kulankooda ayaa ku soo beegmayo iyadoo ay qaar ka tirsan Seneterada Maraykanka ka careysan yihiin sida ay Agaasimaha CIA-da uga meermeerayso inay Aqalka u soo gudbiso Warbixin dhamaystiran, inkastoo ay horey ula kulantay Guddiga Sirdoonka ee Senedka Maraykanka.

Saxafiga Jamaal Axmed Khashoggi oo 59-jir ah waxaa bishii October 2-dii lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana dilkiisa fuliyey xubin ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media