Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee dalka Maraykanka, Ned Price ayaa sheegay inay Weeraradaasi yihiin Fal Bahalnimo oo lagu soo beegayo iyadoo ay Somalia ka dhici doonaan Doorashooyin Taariikhi ah ee Xilliga Kala-guurka Siyaasadda Somalia.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka waxa uu ku sheegay inay Dowladda Maraykaanka sii wadi doonaan dadaalka Beesha Caalamka ee ka dhanka ah Falalka Argagixisadda, waa sida uu hadalka u yiri.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee dalka Maraykanka, Ned Price waxa uu hoosta ka xariiqay inay sii wadayaan Taageeradda ay Dowladda Federalka Somalia kula garab taagan yihiin Dagaalka ka dhanka ah Argagixisadda iyo Xag-jirka iyo sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Mustaqbal Horumar leh.
Dhinaca kale, Xafiiska QM ee Taageera Somalia (The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxyaddii Mataanaha ee shalay ka dhacay Waqooyiga magaalladda Gaalkacyo, kuna geeriyoodeen ugu yaraan 15 qof.
Hadal Qoraal oo uu Xafiiska UNSOM soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin Twitterka ayey ku sheegeen inaysan Qaraaxyaddaasi hor joogsan doonin Doorashooyinka Barlamaanka iyo Madaxtinimadda ee ka dhici doonta Somalia.
Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadii shalay lala beegsaday Dhismaha Dowladda Hoose ee Waqooyiga Gaalkacyo oo hoos taga Maamulka Puntland.
©Radio Dalsan