Maraakiib iyo Doonyo ka yimid Dalal oo ku xaniban Xeebta Boosaaso

Wararka laga helayo Xeebta Dekadda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas ay ku xariyan yihiin Maraakiib iyo Doonyo ganacsi oo wada shixnado ganacsi oo ay leeyihiin Ganacsato degan Puntland.

Maraakiibta iyo Doomaha ayaa ka yimid saacadihii lasoo dhaafay dalalka Cumaan iyo  Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo doonayay inay kusoo xirtaan Dekadda Boosaaso, hayeeshee dhammaan marinadii Dekedda ay ciid buux-dhaafisay.

Maamulka Dekadda ayaa Maraakiibta iyo Doomaha sida shixnada ganacsi ku amray inay ku sugnaa meel dhowr Mil u jirta Dekadda ilaa iyo inta Carada laga bixininayo dhammaan marinadii loo soo mararyay halkaas.

Dekadda Magaalada Boosaaso ayaa waxaa gacanta ku heysa Shirkadda DPWORLD, waxaana la sheegay in ilaa hadda Shirkadda ka warwareeganeyso bilaabida shaqada ciida looga saarayo Dekaddaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media