Faah faahino ayaa kasoo baxaya Rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado oo xalay gudaha degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Askariga la toogtay xili uu ku sugnaa goob maqaaxi ah, isla markaana ragii hubeysnaa ay rasaas dhowr ah qeybaha sare ee jirka uga dhufteen, kadibna uu geeriyooday.
Sidoo kale ragii ka dambeeyay falkaas ayaa dhaawac u geystay qof shacabka oo goobta ka Agdhawaa, waxaana durbo la dhigay Xarun Caafimaad, iyadoona raggaas ay halkaas ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Balad-xaawo ayaa daqiiqado kadib goobta lagu dilay Askariga tegay, iyagoona halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka.
Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca falal amni darro ah, isla markaana ay geystaan dhalinyaro hubeysan, waxaana falalkaas mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.