Wareysi:- Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo Madaafiic isku weydaarsaday Magalada Gaalkacyo

Saacadihii la soo dhaafay waxaa gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug laga maqlayay dhawaqa Hoobiyayaal ay isku ridayeen ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntlnd iyo Galmudug.

Weriye C/Casiis Cusmaan Yuusuf  oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Gudaha Magaalada Gaalkacyo Maanta laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay in dadku ay ka cabsi qabaan in ay markale wada dagaalamaan Ciidamadaas, balse ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ay isku rideen labada dhinac.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in markii laga reebo Madaafiicda uusan jirin dagaal toos ah oo u dhaxeeya Ciidamada.

Hoos Ka Dhageyso Wariye C/Casiis Cusmaan Yuusuf oo Gaalkacyo ku sugan.