Dhageyso:-Xildhibaano la kulmay Gudoonka Baarlamaanka iyo Go’aano ka soo baxay

Xalay tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay Muqdisho kulan kula qaateen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kadib hadalkii Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Xildhibaanada gudoomiyaha la kulmay ayaa ka carooday hadalkii Xeer ilaaliyaha uu ku sheegay in xasaanada laga qaado Xildhibaanada kala ah Saabi Shuuriye iyo Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud kuwaas oo lagu eedeeyay in ay Qaran dumis yihiin.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho,waxana kulankaas uu ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen,iyada oo xildhibaanadii ka qeyb galay ay dareen weyn ka muujiyeen hadalkii Axmed Cali Daahir xeer ilaaliyaha Qaranka.

Axmed Macalin Fiqi oo kulanka Goobjoog ka ahaa ayaa sheegay in Axmed Cali Daahir uu dad badan oo Siyaasiyiin ah uu u hanjabay,kuwaas oo qaarkood uu Warqad aysan dalka uga bixi Karin geeyay Garoonka Diyaaradaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Axmed Cali Dahir uu ku xadgudbay xasaanadii Xildhibaanada isla markaana uu yahay qof lasoo kireystay sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in kulamadii Baarlamaanka ee caadiga ahaa ay bilaaban doonaan isla markaana fasaxa lasiiyay Xildhibaanada dib loo dhigi doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media