Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow Ducaale oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa soo saaray digniino uu sheegay in ay quseeyaan dhanka Sugida Amniga.
Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan Wariyayaal dacaayado iyo Warar been abuur ah ka fidiyo madaxda dowladda isla markaana taasi aan loo dulqaadan doonin.
“Waxaa jira dad baahinayay warar asyan cadeyn u heyn kuwaas oo madaxda ka eben sheega.mararka qaarna baahiya in qaraxyo lagu xiray Gawaarida AMISOM ay ku jiraan Magaalada lagamana aqbali doono ayuu yiri Wasiirka”
Sigaar ah waxa uu sheegay in ay jiraan Wariyayaal baahinaya Warar sal iyo rad aan midna laheyn isla markaana talaabo Sharci ah laga qaadi doono hadii ay joojin waayaan sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.