Dhageyso:-Wasiir Canshuur oo Maanta hortegay Xubnaha Aqalka Sare

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii 2,aad kala-fadhigiisa Shanaad waxa ay Maanta ku yeesheen magalada muqdisho waxaana maanta hortegay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan kaas oo horgeyay Sharciga Isgaarsiinta dalka kaas oo ay 9 bishaan ay ansixiyeen Xubnaha Golaha Shacabka.

Xubnaha Aqalka sare ayuu hortooda ka khriyay Sharciga Isgarsiinta,waxa uuna sheegay in sharcigaan uu yahay mid ay muhiim tahay in la ansixiyo.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in Akhrin kadib Xubnaha Aqalka Sare ay Sharcigaan ansixin doonaan.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariye Saleemaan Xaaji Axmed Raage.