Dhageyso:-Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadashay la dagaalanka Al-Shabaab

Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya dhawaan ka bilaabi doonaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Sokor Jaamac Geyre Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in intii ay howlgallada socdaan loo baahan yahay Wadashaqeynta Ciidamada iyo Shacabka si Guulo loo gaaro.

Waxa uu sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay tacadi u geystaan dadka Shacabka ah isla markaana cidkasta oo falkaas ku dhaqaaqda tallaabo laga qaadi doona.

Sidoo kale wax uu sheegay in arrintaan looga gol leeyahay kasbashada quluubta dadka isla markaana Saraakiisha Ciidamada looga digay Askareynta Ciidamada.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda intaba ay u siman yihiin cid alaala cidii dhibaateysa Shacabkana Maxkamad lala tiigsan doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha.