Dhageyso:-Wabiga Shabeelle oo Maanta fatahaad sameeyey(Warbixin)

Wabiga Shabeelle ee Mara Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa fatahaad waxa uu ka sameeyey tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Wabiga ayaa fatahaada ugu daran waxa uu ka sameeyey Kiliga Isnaay,isaga oo saameyn ku yeeshay dadka degan tuulada Kulundi ee duleedka Magalada Jowhar.

Qaar ka mid ah dadka uu sameeyey fataahda Wabiga ayaa waxa ay sheegeen in Kiliga Isnaay uu yahay mid Cusub oo dhawaan la dhisay balse uu sameeyay korshub taas oo sababtay in uu fatahaad sameeyo.

Sdioo kale masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe  iyo Ganacsatada Hir-Shabeelle ayay ka codsaden in ay ka qeyb qaataan sidii wax looga qaban lahaa fatahaada uu sameynayo Wabiga.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.