Ra’iisul Wasare Ku Xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa Maanta Ka Qeybgalay Dood-Wadaag Isdhexgalka Dowlada Iyo Bulshada ah kaas oo ay Soo Qaban Qaabisay Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumada Federaalka ah ee Soomaliya.
Dood-Wadaagaan ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Dadweynihii ka qeybgalay kulanka ayaa waxa ay Su’aalo weeydiinayeen Masuuliyiintii dowladda ee kulankaas ka qeybgashay waxa ayna Su’aalahooda u badnaayeen dhanka amniga iyo Cadaalada waxana uga jawaabayey Wasiirka GaashandhigaSsoomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xiegenka dalka ayaa Sheegay In Dhawaan Dowlada Soomaliya Lasoo Wareegi Doonto 118 Maxaabiis Soomaliyeed Oo Ku Xiran Dalka Dibaddiisa Iyo Wadahadalo La Doonayo In Ay Kula Soo Wareegto Dowlada Maxaabiis Kale ee Soomaliyeed oo iyaguna Ku Xiran Jaziirada Seychelles.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada