Tan iyo markii la bilaabay Duullimaadka Diyaaradaha Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa waxay arrintaasi dhaawacday Dhaqaalihii Garoonka Wajeer uga soo xeroon jirey Diyaaradaha ka yimaada Somalia ee lagu kontorooli jirey Garoonkaasi.
Maareeyaha Garoonka Wajeer, Charles Kiong’a oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inay la soo gudboonaatay Khasaaro dhinaca Dhaqaalaha, tan iyo markii dib loo bilaabay Duullimaadkii Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi.
Waxa uu intaasi ku daray in ay bishiiba khasaaraan in ka badan 2 Million oo Shillinka Kenya, halka ay isbuuciiba ka heli jireen Diyaaradaha ku hakada Wajeer dakhli dhamaa 531,000 ee Shillinka Kenya.
Maareeyaha waxa uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in la kordhiyo Diyaaradaha ka dhex shaqeeya Kenya, si loo helo Dakhli lagu socodsiiyo Adeega Garoonka.
Shirkadaha Diyaaradaha Rakaabka ee Juba Airways, African Express, East Africa Safari Express, Freedom Airline, Oceanic and Fan Jet Express ayaa inta badan horey ugu degi jirey Garoonka Wajeer, ka hor intaysan u sii gudbin Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi.
Diyaaradaha ka yimaada Muqdisho waxay sababo dhinaca Baaritaanka Ammaanka u sii mari jireen Garoonka Wajeer, waxaana Amarkasi bixiyey Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki.
©Radio Dalsan
Â