Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkaan sheegay xili Gelinkii dambe ee Maanta uu ka qeyb galay banaanbax looga soo horjeeday qarixii zoobe kaas oo ka dhacay Muqdisho.
Kheyre waxa uu sheegay in dhibaatadii ka dhacday Zoobe ay tahay mid ay Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku tirtiraan Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Shacabka Sooamaliyeed la dhibaateeyo.
”Marnaba macquul amahan in sifudud Shacabka lagu dhibaateeyo waxa dhacay , waa wax la doonayo in shacabka lagu baabi’iyo ee waa in laga hortagaa ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya