DEG DEG:-Qof Shacab ah oo goordhow lagu dhaawacay Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu qof Shacab ah ku dhaawacay gudaha Magalada Baladweyne.

Qofka la dhaawacay ayaa ka mid ah dadka ku Shaqeysa  gaariga Dameerka,waxana xilliga la dhaawacayey uu ku sugnaa Buundada Liiq liiqata ee Baladweyne,sida uu dalsan u shegay qof ka mid ah dadka Magalada Baladweyne.

Askariga qofka Shacab ah dhaawacay ayaa ka mid ah Ciidamada koontoroolka ku leh buundadaas,waxana qofka shacabka ah oo dhaawaciisa culus yahay loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Baladweyne.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxa  Dalsan u sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay in askariga uu qofka Shacabka ah rasaaseeyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor