Dhageyso:-Puntland oo fariin u dirtay Dowladda Soomaaliya

Shalay ayay aheyd markii Maamulka Puntland uu dowladda Soomaaliya ku wareejiyay ilaa 400 oo Askari kuwaas oo hadda kadib ka mid noqon doona Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaan oo ah kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland balse ku soo biiray dowlada ayaa qeyb ka ah iskudhafka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ay horay u shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa sheegay in xaquuqda ay leeyihiin laga doonayo dowladda federaalka Soomaliya in ay bixiso.

Waxa uu sheegay in tani ay qeyb ka tahay qorsha Puntland ee dib-udhiska Ciidamada sidaas darteedna mushaaradkooda iyo xaquuqda kale ay leeyihiin uu ka dalbaday in ay dowladda bixiso.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.