Dhageyso:-Maxamed Cabdi Waare”Aniga iyo Xildhibaanada Hir-Shabeelle caburin ayaan ku jiri jirnay”

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Cusub ee maamulka Hir-Shabeelle oo ay Maanta doorteen xildhibaanada Maamulkaas oo khudbad dheer jeedinayay kadib doorashadiisii ayaa ka hadlay marxalada ay soo martay hir-Shabeelle iyo intii uu kala socday.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dabaaldegyada ka socda deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle in ay ku saleysan yihiin, in ay tahay imtixaan uu u galay ku guuleysashada Madxweynaha Maamulkaas.

Waxa uu sidoo sheegay in  Hir-Shabeelle ay soo martay waqti aad u adag,islamarkaana la caburin jiray, isaga iyo xildhiabanada Hir-Shabeelle basle ay haatan ka gudbeen sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in uu ogaaday in Baarlaamanka Hir-Shabeelle ay yihiin kuwo wax ridi kara waxna dooran kara.

Hoos ka Dhageyso Khudbada Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.