Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in ay dhaqaalhii ka jartay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo weli ku jira dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab si ay amniga dalka u xaqiijiyaan.
Dad badan oo xilal dalka ka soo qabtay iyo kuwo dowladda hadda jirta ka tirsan ayaa aaminsan in tallaabada ay qaaday dowladda Mareykanka ay tahay mid dhabarjab ku ah Ciidamada Qaranka Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in Go’aanka mareykanka uu dhaqaalaha uga jaray Ciidamada xoogga dalka ay keeni karto hakadgala howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab isla markaana ay dhaawici karto niyada Ciidamada taasina ay keeneyso in cadawga uu sii xoogeysto sida uu hadalka u dhigay.
Weli Madaxda ugu sareysa dalka kama hadlin tallaabada dowladda Mareykanka ay ku sheegtay in ay dhaqaalihii uga jartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya.