Faahfaahin; Dagaal Xoogan oo Weli Ka Socda Awdhiigle iyo Deegaanka Mubarak

Ilo Wareedyo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Weli Dagaal Xoogan uu ka socdo Deegaanadda Awdhiigle iyo Mubaarak oo ay saakay ku dagaalameen Kooxda Al Shabab iyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka oo mar hakaday kadib markii Al Shabab ay la wareegeen Deegaanadasi ayaa mar kale Dib u bilawday Marka Ciidamadda Dowladda ay Dagaal rogol cilis ah ay soo qaadeen.

Khasaaraha Rasmiga Weli lama xaqiijin karo marka laga Reebo dhimashadda Sagaal Askari oo Dowladda ka tirsan oo Geeriyooday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor