Xogahaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka taageerto qorshayaasha horumarineed ee ay higsanayso iyo in ay kala shaqayso dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku cirib tireyso argagaxisada.
Mudane Tillerson oo khadka teleefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa u xaqiijiyay in Maraykanka uu si buuxda u taageerayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Agaasimaha Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Idaacadda Via,da ayaa faah faahin guud ka bixiyay dardargelint dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu Mareykanka ka qeyb qaadanayo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdinuur