Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo”Al-Shabaab ayaa go’doomiyey Wadadii aan gargaarka u marsiin laheyn Shacabka Hiiraan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta tegay Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo uu ka fatahay Wabiga Shabeelle,isla markaana badi Shacabkii deganaa ay barakaceyn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu tegay deegaanka Ceel Jaale e duleedka Magalada Baladweyne,halkaas  oo ay ku barakaceyn dShacabkii Magalada Baladweyne,iyaga oo halkaasi ku dhibateysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegya in dowladda Soomaliya ay ku dadaaleyso in laga hortago musiibooyinka ay sababeen fatahaada laakin ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay la Sahqeeyaan dowladda.

Waxa uu shegay in dhawan gurmad deg deg ah lasoo gaarsiin doono Shacabka Baladweyne ee uu saameyey wabiga,waxa uuna kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyed in ay la dagaalamaan cidkasta dowlada kazoo horjeeda.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey Magalada Baladweyne.