Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble,ayaa sheegay in ciidamada Booliska ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan aysan muddo badan helin xuquuda Ciidamada isagoona lambaro siiyay Ciidamada Booliska Baladweyne.
”Waxaa marqaati ka ahay in ciidamada Boliska ay muddo badan ku soo shaqeeyeen xuquuq la’aan ,waxa marqaati ka ahay in tabaro badan oo aad u baahneedeyn aadan helin” Ayuu yiri madaxweynaha HirShabeele.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay Ciidamadu heli doonaan Mushaaraadkooda iyo daryeelkood Guud si ay ugu Shaqeeyan Bulshada ku nool Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran.
Hadalkaan ayaa Madaxweyne Cosoble waxa uu shegay xili ay kormeer ku tageen isaga iyo Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan Saldhiga Ciidamada Booliiska Magaalada Baladweyne.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Cosoble