Dhageyso:-Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo Al-shabaab ku eedeeyey inay dhibaato ku hayaan Beeraleyda Gobolkaas

Taliska Booliska Degmada Qorooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dadka ku nool tuulooyin hoostaga degmadaas ay dhibaato kala kulmaan Al-Shabaab.

Taliyaha Saldhigga Degmada Qoryooleey ee G/Shabellaha Hoose Cali Maxamed Aadan oo wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in sigaar ah Al-Shabaab ay dadka beeraleyda ah ka qaadaan lacago uu sheegay in ay baad yihiin balse ugu magacdara Zakawaad.

Waxa uu sheegay in weli Al-Shabaab deegaano hoostaga degmada Qoryooleey ay ku dhuumaaleysanayaan balse Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya uu qorshohoodu yahay in ay ka saaraan.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in marnaba aan loo dulqaadan Karin in Shabaab ay dadka beeraleyda ah ay dhibaateeyaan oo ay ka qaadaan lacag baad ah taasina ay ka hortegi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Shalay Gelinkii hore ayaa deegaano dhaca degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay leeyihiin ciidanka dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhigga Degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan.