Dhageyso:-Maamulka D/Kaxda oo soo bandhigay rag sameystay Kaarar been abuur ah lacagna ku dhacay+sawirro

Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta gudaha degmadaas ku soo bandhigay laba Nin oo lagu eedeeyay in qaab sharicidaro ah u sameystay Kaarar Aqoonsi oo ay lacago ku qaadanayeen.

Raggaan la soo bandhigay ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa laba Ruux,iyo Gaaro NOHA ah oo ay wateen,kuwaas oo howlgal la sameeyay lagu soo qabtay sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Kaxda ee G/Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa Warbaahinta u sheegay in Raggaan lagu soo wargeliyay in ay sameysteen Kaar Aqoonsi ah oo ay ku qoran yihiin Astaanka Gobolka Banaadir iyo Calanka dowladda Imaaraadka Carabta iyaga oo lacag uga qaatay dad barakacayaal ah oo ku sugan degamadaas.

Waxa uu sheegay in raggaas ay dadka ku wargeliyeen in ay heli doonaan laf Kaar ah oo lacag ay ugu soo dhaceyso iyo in ay heli doonaan bil walba Raashin,islamarkaana ay dadkaasi ka qaadan jireen lacago sida, laba dollar 10 Dollar iyo lacago ka sii badan.

Gudoomiyaha uu sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in labada Nin ay hayaan mid ka mid ah uu yahay Darwal sheegay in howshaan uusan wax Shaqo ah ku laheyn balse lasoo kireystay halka midka kale uu qirtay  in uu howshaan isagu masuul ka ahaa.

Dhinaca kale Ninka sheegay in uu howshan masuulka ahaa oo Magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Maxamed ayaa isna sheegay in uu yahay qof horay Shaqooyin badan uga soo qabtay Hay’addo kala duwan oo dadka barakacayaasha ah quudin jireen.

Waxa uu sheegay in rag ay howshaan u soo direen,islamarkaana ay isaga dhigeen dad sicaadi ah Hay’addo ugu Shaqeeya,islamarkaana bixinaya waxyaabihii ay ugu talo galeen dadka barakacayasha ah balse ay Ia qalday haatana uu diyaar u yahay in uu keeno raggaas.

Sidoo kale goobta raggaas lagu soo bandhigay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Gudoomiyaha Kaamkii ay raggaan lacagta ka aruursadeen,waxa uuna sheegay in ku xigeenkiisii uu ku soo wargeliyay in ay kaamka yimaadeen Hay’ad,islamarkaana ay doonayeen lacag min laba Dollar ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ku xigeenkiisi uu ku yiri raggaas lacagta doonaya sax maahine ka daayay balse ugu dambeyn waxa ay igu qanciyeen in aan ogolaado in lacagtaas min labada dollar ah oo 100 Dollar ka mid ah aan aniga jeebkeyga ka bixiyay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha degmada Kaxda mid ka mid ah Ragga la soo bandhigay iyo Gudoomiyaha Kaamka kana Daawo Sawirrada.