Imisa Ruux ayaa Hargeysa ugu xiran waxa ay Soomaaliland ugu yeerto Qaran Dumis?(Warbixin)

Maamulka Soomaalialnd oo aaminsan in Soomaaliya inteeda kale uu ka go’ay ayaa inta badan waxa uu xiraa dadka ka taga Muqdisho ee markii hore ka yimaada dhanka deegaannada Maamulka soomaaliland,iyada oo xarigooda u adeegsada Qaran Dumis.

Magalada Hargeysa ayaa waxaa hadda ku xiran Afar ruux oo kala ah Boqor Ow Maxamuud Buur Madoow,Naciimo Abwaan Qorane,Maxamed Keyse Bigeeye iyo Wariye Najiib Cabduweli Cabdi.

Naciimo Abwaan Qorane Waa gabar Baraha Bulshada waxku qorta,waxaana ay horay u timid Magalada Muqdisho,iyada oo ka qeyb gashay barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.

Abwaan Naciimo ayaa Maamulka Soomaaliland wax ay ku eedeeyeen in ay ku dhaqaaqday falal lidi ku ah qaranimada Soomaaliland,iyada oo 15 Bishan Apriil lagu xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah.

Maxamed Keyse Bigeeye waa Aqoonyahan iyo Qoraa,isaga oo horay Buug uga qoray waxqabadka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) Buugaas oo uu ugu magacdaray(TUSAALAHA GUUSHA),dhinaca kalana dhawaan lagu xiray Hargeysa kadib markii Bartiisa Facebook uu ku soo qoray ‘Muuse Biixi waa local,waxaana weli uu ku xiran yahay Xabsiga Magalada Hargeysa.

Wariye Najiib Cabduweli Cabdi waa Wariye u Shaqeeya Tv-ga Universal Xaruntiisa Magalada Hargeysa,waxana Maalintii labaad uu ku xiran yahay Magalada Hargeysa.

Wariyaha ayaa xiliga la xirayay waxaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa isaga oo ka tegay Magalada Muqdisho,balse waxaa loo heystaa in uusan wadan Baasaboor oo ah Sharci uu dhawaan soo rogay Maamulka Soomaaliland.

Shalay oo ugu dambeysay gelinkii dambe Ciidamada Soomaaliland ayaa waxa ay xireyn Boqor Ow Maxamuud Buur Madoow oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliland,kaas oo laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa xilli u ka yimid Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Booliska Soomaaliland Feysal Xiis oo shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in Boqor Buur Madoow uu yahay Qaran dumis,isla markaana uu ku dhaqaaqay fal lidi ku ah Qaranimada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Boqor Buur Madoow ayaa dhawaan waxa uu Magalada Carmo ee Gobolka Bari uga qeyb galay Xaflad lagu Caleemo saarayay Beel daajiye Maxamed Beeldaajiye,waxana Booliska Soomaaliland ay sheegeen in uu Xafladaasi ka sheegay war lidi ku ah qaraniamda Soomaaliland.

Ma ahan waxku Cusub in deegaannada Maamulka Soomaaliland lagu xiro dad lagu eedeeyey waxa ay ugu yeeraan Qaran dumis,waxana horay loo xiray Qaar ka mid ah Fanaaniinta xidigaha Geeska,xilli ay ka tageen Magalada Muqdisho,sidoo kale Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajax wallow dhammaantood markii dambe lasiidaayay.

W/Q:- Cabduqaadir Jakaarta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media