Masuuliyinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa weli ku taagan go’aankii ay horay u soo saareen ee ahaa in Beerta Nabada aan wax lacag ah lagu geli doonin balse taasi ay ka biyo diideen Maamulka Beerta Nabada.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitax Cumar Xalane,ayaa Radio Dalsan u sheegay in Go’aanka uu soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir uu yahay mid weli taagan islamarkaana cidii dhaqan gelin weysa masuuliyadeeda ay qaadi doonto sida uu hadalka u dhigay.
Marka laga soo tagao hadalka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hadana Maxamed Jaamac oo ah Maamulaha Beerta Nabada ayaa isna ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dalka sida,Madaxweynaha,ra’iisul Wasaaraha in xauuqdooda la ilaaliyo maadama ay iyago ay sameeyeen Shaqa abuur.
Hoos Ka Dhageyso Afhayeen Xalane
Hoos Ka Dhageyso Codka Maamulaha Beerta Nabada