Guddoomiyihii golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa iska casilay xilkii guddoomiyenimo ee golahaas.
Cirro ayaa go’aankan maanta ka hor sheegay fadhigii maanta ee golaha wakiillada, iyadoo dhammaan mudanayaashii fadhiga ka soo xaadiray ay ku raaceen.
Xil ka tegistiisa ayuu ku sababeeyay doorashada soo socota ee madaxtooyada oo uu xisbigiisa Waddani ugu sharaxan yahay madaxweyne.
Sidoo kale waxa uu goobta ka sheegay in Maalinta Axada ah ee soo socota y dhici doonto doorashada Gudoomiyh Golaha Wakiilada Soomaaliland.
Hoos Ka Dhageyso Codka