Todobaadyaddii u dambeeyay waxaa qeyla dhaan ay ka soo yeereysay dadka rakaabka ah ee ku safra wada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee Gobolada Banaadir iyo Baay.
Dadkaa ayaa ka cabanayay dhac, kufsi, iyo dil ay mararka qaar rakaabka kula dhaqaaqaan kooxo hubeysan oo jidka u gala.
Xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Somalia ayaa horey dhowr jeer uga hadlay amni darida ka taagan jidka.
Maanta ayaa waxaa hadana shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo arrintan kaga hadlay Guddigga Xuquuqul Insaanka ee baarlamanka Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay inay diwangeliyeen 19 gabdhood oo rakaab ah oo kufsi loo geystay.
Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Qaasim Moogow ayaa sheegay in kufsiga loo geysanayo haweenka ku safra Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ay korhdyen,isla markaana haatan ay marayaan 19 Haween ah.
Waxa uu sheegay in falkaas ay geysanayaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya,dhowr marna ay cabasho gudbiyeen balse aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax ka qabatay dhibaatadana ay sii socoto.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.