Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaa Gelinkii dambee Maanta la soo gaarsiiyay Meydadka ilaa 10 Ruux oo Saddex ka mid ah ay yihiin Caruur kuwaas oo lagu dilay duqeyn ka dhacday tuulooyin ka tirsan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuur Maxamed ayaa ku sugnaa Goobta iyo ehelada dadka duqeynta lagu dilay.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in duqeyntaas lala beegsaday Beer ay la haayeen dad Shacab ah islamarkaana ay ku geeriyoodeen 10 ruux oo isugu jiray dadka beerta lahaa iyo Shaqaalo ka Shaqeynayay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuur Maxamed.
laba ka mid ah Ehelada dadka duqeynta lagu dilay ayaa waxa ay iyana sheegeen in dadkaan aan la Aasi doonin ilaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ay Warcad ka keenaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Odayaashaas