Dhageyso:-Diyaarad Siday Siyaasiyiin oo loo diiday in ay ka degto Garoonka Cabudwaaq

Cabdiraxmaan oo sheegtay in uu yahay Afhayeenka Ciidamada Maamulka Galmudug ee degmada Cabudwaaq oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guulesteen celinta Diyaradaas.

Waxa uu sheegay Afhayeenku in Ciidamada Galmudug ee ku sugan Cabdudwaaq ay Cirka u rideen Hubka lidka Diyaaradaha kadib markii lagu soo wargeliyay in ay ku soo wajahan tahay diyaarad sida Siyaasiyiin  ka yimid dhanka Muqdisho.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Diyaaradii ay dib uga laabatay Cabudwaaq balse aysan ilaa iyo hadda garaneyn halka ay aaday.

Mar la weeydiiyay Su’aal aheyd ma Siyaasiyiinta kaliya ayaa loo diiday in ay garoonka ka soo degaan ayaa wxa uu ku jawaabay.

“Runtii Garoonka Cabduwaaq  dadka Shacabka ah ee reer Cabudwaaq iyaga ayaa Gacantooda ku dhistay marka Diyaaradaha caadiga ah waa ay ka soo degi karaan balse waxaa nagula wargeliyay in aysan ku soo degi Karin Diyaaradaha ka yimaada dhanka Muqdisho gaar ahaan kuwa Siyaasiyinta ay wataan ayuu yiri Afhayeenka”

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka oo dhamestiran