Dhageyso:-Ciidamo Gaar ah oo la dagaalama Kooxaha Isbaarooyinka dhigta oo loo sameeyay Baladweyne

Maamulka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka hiiraan ayaa sheegay in ay sameeyeen ciidamo gaar ah kuwaas oo loogu talo galay in ay xaqiijiyaan amniga guud ee Magaalada Baladweyne oo mararka qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah dhanka amniga.

Gudoomiyaha Magaalada Baladweyne Aadan Axmed Xeefoow, oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Ciidamadaan lagu amray in ay sigaar ah ula dagaalamaan Kooxa Jidgooyooyinka mararka qaar u dhigta dadka Shacabka ah.

Waxa uu sheegay in howlgallo ay horay u sameeyeen ay ku soo qab qabteen kooxo burcad ah oo dadka dhibaateynayay hadana ay ciidamadaan diyaar u yihiin in ay Magaalada Baladweyne iyo daafaheeda ka sifeeyaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhowr mar ayaa waxaa Gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacay iskudhacyo Ciidamada dhexdooda ah iyo waliba maleeshiyo Beeleed weli ku sugan baladweyne taas oo keentay in Ciidamadaan la sameeyo sida ay maamulku horay u sheegeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiyaha Baladweyne