Dowladda Somalia oo shaacisay khasaaraha ka dhashay Weerarkii Hotelka Xayaat

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii ku bilowday qaraxyada Is-miidaaminta ahaa ee xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii saacadaha badan socday uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray dhismayaal.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in 21 ruux ay ku dhinteen weerarkii hotelka Xayaat, ayna jiri karaan meydadka dad ay eheladooda aasteen, halka ay ku dhaawacmeen weerarka 117 ruux oo 5 kamid ah dadkaas ay qabaan dhaawacyo culus.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay mas’uuliyad gaar ah iska saari doonto daryeelka dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarkii Al-shabaab, isagoona tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxyadii dhacay.

Wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa intaas kusii daray hadalkiisa inuu u mahadcelinayo bahda Caafimaadka oo uu xusay inay qeyb ka qaateen gurmadka loo sameeynayo dadka shacabka ah ee dhaawacyada qaba, wuxuuna xusay in xogta khasaaraha ee uu shaaciyay kasoo uruuriyeen Isbitaalada Magaalada.

Si kastaba Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay soo afjaray dagaalkii socday in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah, oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ay ka dhex dagaalameen hotelka Xayaat, Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ay ku leysay Askar badan iyo xubno kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor