Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca ayaa digniin u diray Maleeshiyaadkii ay dhawaan kula dagaalameen deegaanka Xeraale ee Gobolk Galgaduud.
Mascuud Maxamed Warsame oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Ahlusuna oo Maanta shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in uu u digayo kuwa dhibaatada ka wada degaanka Xeraale.
Waxa uu sheegay in dadka ama Maleeshiyaadkaaas aysan gacantooda la laaban doonin islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sarkaalka