Ethiopia oo bilowday inay Gaaska Dabiiciga ka soo saaraan meel ku dhow Xuduudka Somalia

Warbaahinta Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay inay isbuucan bilaabayaan inay Gaaska Dabiiciga ka soo saaraan goobaha lagu magacaabo Deegaanadda Is-maamulka dadka Soomaalida ee deggan  K/galbeed ee dalkaasi.

Shirkadda ku hawlan soo=saarista Gaaska Dabiiciga waxay sheegeen inay sii wadi doonaan DHawsha Sahminta ee ay ka wadaan meel ku dhow Xuduudka Somalia, isla markaana bartamaha sannadka soo socda ee 2019-ka dibedda loo dhoofin doono Gaaska Dabiiciga ee laga helay Kilinka 5-aad ee ay dadka Soomaalida ka deggaan dalkaasi.

Wasiirka Shidaalka ee Ethiopia, Motuma Mikasa oo Wareysi siiyey Wargeys ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in Gaaska Dabiiciga laga soo saarayo goobaha lagu kala magacaabo Kalup iyo Hilala oo ka tirsan Deegaanka Ismaamul-gobaleedka Soomaalida ee Kilinka 5-aad.

Waxa uu xusay inay rarka shixnadaha Gaaska Dabiiiciga la sii marsiin doono dhuumaha shidaalka nasaafo dhan 700 oo Kiilomitir, si looga dhoofiyo Dekeddaha Jabuuti.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay doonayaan inay Gaaska Dabiiciga u dhoofiyaan dalal ku yaalla Qaaradda Asia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor