Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod ayaa ka digay in ay Magaalada hub ku dhex wataan ciidamada aan ka mid aheyn kuwa xasilinta ee loogu talo galay amniga Caasimadda.
Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada kale ee dowladda looga baahan yahay in ay xeryahooda ku ekaadaan si aan look ala garan waayin kuwo lidiga ku ah amniga iyo ciidamada kale.
“Waxaa muhiim ah in ciidamada aan aheyn kuwa amniga in ay xeryahooda ku ekaadan si aan look ala garan waayin kuwa amnidararda wada,xaqiiqdii in ay iyaga oo la ogyahay oo faax soo qaatay uu soo baxo laakin askarigii aan fasax la’aan soo baxa loona soo gudbiyo ay tallaabo qaadi doonaan,waxana lagu qaadayaa qodobka ah qalqal gelinta xasilinta amniga ayuu yiri.
Sidoo kale wax uu ugu baaqay saraakiisha ciidamada xaslinta in iyaga oo fulinaya waajibadkii qaran ee xasilinta in ay ilaaliyaan ama ay xurmeeyaan ciidamada kale oo walaalkooda ah,isla markaana ay weeydiiyaan cadeyntiisa iyo halka uu ka tirsan ahay.
Sikastaba hadalka ka soo baxay taliyaha xooggad alka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay muqdisho ay ka dhacayeen isku-dhacyada ciidamada dowladda oo shalay ugu dambeysay ay ku dagaalameen degmada Dharkenley.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.