Milliteriga Dowladda Yemen waxay shalay oo Isniin ah shaaciyeen inay dileen tiro dad asalkooda Afrikaan yahay, kuwaasi oo u dagaalamayey Maleeshiyadda Xuutiyiinta.
Shabakadda Wararka Milliteriga Yemen ee 26sepnews.net ayaa qortay inay 267 Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Xuutiyiintiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto ku dileen dagaal shantii maalmood ee la soo dhaafay ka socday aagaga dagaalka ee Degmooyinka Mariis iyo Damat ee Waqooyiga Gobalka Al-daalac (الضالع) ee Koonfurta dalkaasi.
Afhayeen u hadlay Milliteriga Dowladda Yemen ayaa tilmaamay inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta noqdeen kuwo la dilay, kuwo la dhaawacay iyo qaar dib u gurtay iyo kuwa kala firxaday, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inay dileen 167 ka tirsan Maleeshiyadda Xuutiyiinta iyo Taliye la oran jirey Ibraahim Cali iyo 30 qof oo Soomaali ah oo ka barbar dagaalamaysay Xuutiyiinta, halka 100 kalena lagu dhaawacay.
Shabakadda Wararka ee Milliteriga Dowladda Yemen ee 26sepnews.net waxay kaloo qortay in dagaalkaasi lagu burburiyey Taangiyo iyo gawaari Tekniko ah oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku soo dagaal galeen.
Goobjooge la hadlay Shabakadda 26sepnews.net ayaa sheegay in 7 ka tirsan maydadka Maleeshiyadda Xuutiyiinta lagu aasay Tuulladda Al-axraam ee Degmadda Damat, halka tobaaneeyo kale lagu aasay qeybo ka tirsan Gobalka Al-daalac (الضالع) ee Koonfurta dalkaasi.
Xigasho: 26sepnews.net