Mahdi Guuleed oo xilka qaadis ku sameeyay Mas’uul uu maalmo kahor Magacaabay

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mahadi Guuleed ayaa Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim si KMG ah ugu Magacaabay xilka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R’iisul Wasaaraha Dalka, kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mahdi.

Xoghaye Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa waxaa uu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo xilkaas haayay muddo 8-maalmood ah, isagoona horey xilkaas ugala wareegay Axmed Nuur.

Weli lama oga sababta keentay in xilka qaadis Deg deg ah lagu sameeyo Xoghaye Cabdirisaaq Xuseen Aadan, waxaana Magacaabista uu sameeyay Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed ay noqoneysaa midii labaad tan iyo markii xilkaas loo idmaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media