Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magacaabay Mas’uul Cusub

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Samafalka Gobolka Baay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka Samafalka ee Gobolka Baay loogu magacaabay inuu noqdo Aadan Xasan Maxamed.

Magacaabis Guddoomiye Aadan Xasan ayaa yimid, kadib marii uu talo soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, sidaasina lagu magacaabay.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in baahi loo qabo in la helo xilka Guddoomiye ku-xigeenka Samafalka ee Gobolka Baay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media