Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiye Mucaarad ku ah dowladda kana soo horjeeda.
Mahdi Guuleed oo wareysi bixiyay ayuu ku sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka horyimid in dalka ay dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana uu kasoo horjeestay dowladda Federaalka, sidaasina uu ku yahay hoggaamiye Mucaarad ah lana shaqeysta mucaaradka.
Waxaa kaloo uu sheegay Mahdi Guuleed in uusan ogeyn in Cabdi Xaashi iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaaj uu ka dhexeeyo khilaaf, isagoo Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay Astaanta Qaranka.
â€Qoraalada isdaba jooga ah uu soo saarayo Cabdi Xaashi waxa ay natuseesaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad, hoggaamiyaha mucaaradka dowladda, wuxuuna wiiqay awooddii sharci dejinta, waayo sharci dejinta waa Baarlamaan labo aqal ka kooban aqalka sare muddo ma aanay fariisan, qeyla dhaantooda waa ogeyd, hadda waxaa jira aqal sare oo aan muddo fariisanâ€ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Si kastaba Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kasoo horjeestay Guddiyada Doorashada ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Somaliland ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, xili uu Cabdi Xaashi horey u sheegay inuu isaga soo magacaabayo Guddiyadaas, balse la magacaabay.