Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku maqnaa dalka Turkiga.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka iyo xubno kale.
Duqa Muqdisho ayaa marka hore ka mahaceliyay soo dhaweynta loo soo sameeyay, isagoona intaas kadib ka hadlay howlihii la qabtay inta uu safarka ugu maqnaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa bogaadiyey shaqadii la qabtay intii uu maqnaa, waxa uuna u mahad celiyey Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo ku xigeenadiisa Maamulka Gobolka Banaadir.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish dalka Turkiga uu u aaday xaalad Caafimaad, dibna uu ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Muqdisho.