Maxweynaha Maraykanka oo sheegay inay Tallaabo ka qaadi doonaan dalka Waqooyiga Kuurya.

Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Financial Times, wuxuuna ku goodiyey inay Tallaabo Khaas ah qaadi doonaan haddii aysan Dowladda Shiinaha mowqif adag ka istaagin Barnaamijka Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya.
Mar wax laga weydiiyey nooca ay noqon doonta Tallaabadaasi, waxa uu ka gaabsaday arrintaasi, isagoo sheegay inuusan doonaynin inuu hadda sheego.
Hadalkiisa ayaa waxa uu yimid maalmo ka hor booqashadda uu Madaxweynaha dalka Shiinaha, Shi Jiyaan ping uu isbuucan ku tagayo Maraykanka.

Labada Hoggaamiye waxaa u qorsheysan inay maalmaha Khamiista iyo Jimcaha Kulan ku yeshaan Dhismaha loo dalxiis tago ee uu Donald Trump ku leeyahay Koonfurta Gobalka Florida.
©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media