Shabakadda Wararka ee skynewsarabia.com ayaa qortay inuu Cumar Xasan Albashiir inuu dhowr malamood ka hor la xanuunsaday dhiig maskaxda kaga furmay (Stroke), waxaana daaweyn loogu qaaday Isbitaal, ka hor inta aan dib loogu soo celinin Xabsiga Dhexe ee Kober ee uu ku xirnaa.
Ilo dhinaca caafimaadka ayaa sheegay in xaalladda Albashiir haatan tahay mid aad u deggan, inkastoo uu diiday inuu cuntad cuno ama uu daawooyinka qaata, taasi oo sababtay in si khasab ah Faleebo xididka looga quudiyo.
Dhinaca kale, Wargeyska Al-intibaha ee ka soo baxa magaalladda Khartuum waxa uu qoray in qolka uu ku xiran yahay Al-bashiir ee Xabsiga Kobar uu leeyahay Telefishin, Mukayfka Hawada oo ku shaqeeya Biyaha, 2 sarriir iyo 2 kursi.
Wargeyska waxa kale oo uu qoray inuu Albashiir yahay qofka keliya ee adeegyadaasi ku haysta qolka xabsiga ee uu ku xiran yahay, iyadoo 17-kii xubnood ee horey uga tirsanaa Dowladdii Albashiir ee dhawaan lagu soo xiray Xabsiga Kobar aysan haysan Adeegyadda Telefishinka, Mukayfka iyo qalabka kale.
Qolka uu Madaxweynihii hore ee Suudaan ku xiran yahay waxaa la sheegay inuu mar ku xirnaan jirey Jeneral Saalax Cabdillaahi Qoosh oo ahaa Taliyihii ugu dambeeyey ee Hay’adda Sirdoonka Suudaan ee Xilligii Dowladdii Al-bashiir, kaasi oo mar kale haddana la soo xiray, kadib, markii Albashiir xilka laga tuuray.
Maamulayaasha Golaha Milliteriga ee haya talada Suudaan waxay Madaxweynihii hore ka mamnuuceen inuu isticmaalo Mobayl, tan iyo markii bishan 17-dii loo wareejiyey Xabsiga Kober.
Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan, waxaa horey loogu hayey Guriga Martida ee magaalladda Khartuum, tan iyo markii la afgembiyey bishan 11-dii.