Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa Goordhow Magalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,iyada oo siweyn loo soo dhaweeyey.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey,xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Wasiiro iyo Guddi ay u xilsaartay dowladda soo dhaweyntiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa socdaalkiisa Muqdisho,waxaa ka soo baxaya warar kala duwan,waxaana qorshuhu yahay inuu ku dhawaaqo Xisbi Weyn oo uu hoggaamin doono.

Inta uu ku sugan Muqdisho waxa uu kulamo la qaadan doonaa,xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa siweyn u taageersan iyo siyaasiyiin dowladiisii xilal ka soo qabtay.

Goordhow la socda Sawirrada soo dhweynta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media