Ashraf Qaani waxa uu hadalkaasi ku sheegay Muuqaal uu shalay soo dhigay Bartiisa Facebook, maalmo kadib, markii uu ka soo baxsaday dalkiisa.
“Waxaan joogaa Imaaraadka, balse, sida ugu dhaqsaha badan ayaan dib ugu laabanayaa dalkayga, kadib, markii aan dhameeyo La-Tashiyada aan la leeyahay kuwa kale†ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Afganistan oo isaga iyo Qoyskiisa ay Magangelyo Aadminimo ka heleen dalka Imaaraadka Carabta.
Waxa uu tilmaamay in isaga lagu khasbay inuu isaga soo cararo Kaabul iyo inuu isaga u sabab noqdo dhiig ku daata dalkiisa.
Bishan August 15-dii ayuu Ashraf Qaani ka soo dhoofay Afganistan, saacado ka hor inta aysan Kooxda Daalibaan dagaal la’aan ku soo gelin Kabul.
Madaxweyne-ku-xigeenkii Afganistan, Amrullaahi Saalax ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Sii-hayaha Xilka Madaxweynaha dalkaasi, sida uu dhigayo Dastuurka.
Waxa uu iclaamiyey dagaal Iska-caabin ah oo looga soo horjeedo Kooxda Daalibaan, oo iyagu 20-sano kadib dib ugu soo laabtay Talada dalkaasi.