Madaxweynihii dalka Gambiya ee laga guuleystay oo diiday inuu Xilkaasi ka dego.

axye Jaamac ayaa hadalkaasi saqdii dhexe ee xalay ka sheegay Telefishinka dalkaasi, wuxuuna cambaareeyey Dhexdhexaadinta Urur-gobaleedka ECOWAS si uu xilku uga dego.

“Anigu ma ihi Doqon, xuquuqdeydana layma duudsin karo. Halkan waa Booskayga, qofna iima diidi karto guusha, marka laga reebo Qadarta Alle” ayuu yiri Madaxweynaha laga guuleystay oo Talada dalkaasi hayey 22-sanno..

Doorashadii bishan December 1-dii ka dhacday dalka Gambia waxaa ku guuleystay Ganacsadaha lagu magacaabo Adama Barrow.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor