Ugu yaraan 26 qof oo lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay dalka Kongada Dimuqraadiga.

Ciiddanka ayaa la sheegay inay rasaas nool ku fureen Dibadbaxayaal ka soo horjeeda inuu Madaxweyne Josef Kabiila kusiga Madaxtinimadda sii fadhiyo.

Cilmi-baare ka tirsan Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegay inay iska horimaadyadaasi ka dhaceen caasimadda dalkaasi ee Kinshasa iyo magaalladda Lubumbashi iyo Deegaano kale.

Dibadbaxayaasha waxay gubeen Xarunta Dhexe ee Xisbiga ka taliya dalkaasi ku leeyihiin Kinshasa.

Madaxweyne Kabiil oo talada dalkaasi qabsaday sannadkii 2001-dii ayaa waxa uu xilli-hawleedkiisu ku ekaa habeen hore, balse waxa uu diiday inuu xilka ka dego.

Ra’isul-wasaare cusub oo ka socday Mucaaradka ayaa la magacaabay, kaasi oo ku dhawaaqay Xukuumadcusub ee KMG.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn Kooxaha Mucaaradka dalkaasi ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inaysan dib u aqoonsanin Dowladda Madaxweyne Kabiila.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor