Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiir Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalkeenna Mudane Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran,

Wuxuu Danjire Cyprian Kubai xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor