Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray geerida Madaxweynihii Namibia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo dowladda Namibia ee uga tacsiyeeyay geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Namibia ee uu ka geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia.

Dr. Hage G. Geingob waxa uu ahaa hoggaamiye caan ah oo naftiisa u huray u adeegida dadkiisa, isla markaana ahaa cod laga ixtiraamo qaaradda Afrika.

“Inta lagu jiro wakhtigan adag, waxaan garab istaagnaa qoyskiisa iyo dadka Namibia sida ay u murugaysan yihiin geeridii hoggaamiye weyn”sidaa ayuu yiri Madxweyne Xasan Sheekh

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor