Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan magaalada Nairobi

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu booqasho ku tago magaalada Nairobi ee wadanka kenya.

Xasan Sheekh ayaa madaxda la filayaa inuu kala soo hadlo xeritaanka xerada Dhadhaab oo ay Kenya sheegtay iney xireyso bisha November ee sanadkan.

Madaxweynaha ayaa kulan kula qaadan doona Nairobi dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta sida wararka qaar ay sheegayan.

Kenya ayaa dhawaan shaacisay iney xiri doonto xerada Dhadhaab bisha November ee sanadkan,halkas oo ay ku nool yihiin qaxooti soomaali u badan oo kor u dhaafaya 130n kun oo qof.

Hore,dhowr jeer ayay u shaacisay iney xeri doonto xeryaha qaxootiga ee caalamka ugu balaaran ee Dhadhaab iyo Kakuma balse ma aysan dhicin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor