Afhayeenka gobolka Banaadir oo beeniyay in madaafiic ay ku dhacday xarunta Xalane

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa si xoogan u beeniyay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane.

Mudane Xalane ayaa sheegay in Xarunta Xalane aysan ku soo dhicin madaafiicda la sheegay in lagu weeraray halkasi,balse waxa uu xaqiijiyay iney jiren kuna dhacen goob kaawo ah oo ka tirsan degmada Dharkenley.

Afhayeenka waxa uu xaqiijiyay ineysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicda oo xalay laga tuuray sida uu sheegay isla degmada Dharkenley.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigen mid kamid ah kuwii soo tuuray madaafiicda.

Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka madaafiicda ahaa,iyaga oo sheegay iney ku tuuren xarunta Xalane.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor