Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo shir heer sare ah oo ay isugu imanayaan dalalka qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo rasmiyan furmaya maanta.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta marayo meel xasaasi ah, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta dalka, halkaas oo ciidamada Qaranka iyo maleeshiyaadka deegaanka ay ku sii xoogaysanayaan howlgallada lagu xoraynayo deegaannada.
Shirkan Kampala ayaa noqonaya fursad uu Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ugu gudbin karo madaxda kale ee Afrika warbixin toos ah oo ku saabsan guulaha laga gaaray la dagaallanka Khawaarijta, taas oo muujinaysa sida uu dagaalku uga baxay heer qaran una gudbay heer goboleed oo ay dalalka derisku si dhab ah uga qayb qaadanayaan.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dib-u-eegis lagu sameynayo doorka AUSSOM, maadaama la qorsheynayo in ammaanka dalka si buuxda loogu wareejiyo ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, hadallada Madaxweynaha ayaa laga filayaa inay yeeshaan miisaan siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.
Ugu dambeyn, socdaalka Madaxweynaha wuxuu muujinayaa kaalinta ay Soomaaliya dooneyso inay ka qaadato sugidda amniga gobolka. Waxaana uu caddeyn u yahay in dagaalka Khawaarijta aanu ahayn mid gudaha kaliya ah, balse uu yahay mid u baahan iskaashi gobolka ah iyo taageero caalami ah.